Guddiga Doorashooyinka Kenya oo shaaciyey Natiijadii Doorashada.

Guddiga Doorashooyinka Kenya ee IEBC ayaa Galabta shaaciyey natiijada rasmiga ah ee doorashadii ku celiska ahayd ee la qabtay khamiistii,waxayna sheegeen in uu mar kale ku guulaystay Uhuru Kenyatta.

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka IEBC Wafula Chabukati ayaa ku dhawaaqay in Uhuru Kenyatta helay 98% codadkii la dhiibtay,wuxuuna codsaday in xasiloonida iyo amniga la ilaaliyo,islamarkaana lagu dadaalo inaan rabshado dhicin.

Wafula ayaa sheegay in doorashada ay u dhacday”si xor iyo xalaal ah”,laakiin hoggaamiyaha mucaaradka ugu weyn ee dalka NASA Raila Odinga,ayaa horay u qaaddacay doorashada,isagoo caddeeyay in aanu aqoonsandoonin natiijada soo baxda,maadaama aan looga garaabin cabashooyinkii ay ka gudbiyeen.

Doorashadii ku celiska ahayd ee la qabtay khamiistii,ayaa waxaa ka codeeyay 39%,dadka u diiwaan-gashan in ay codeeyaan oo tiradoodu gaarayso 19.6 malyan,sida uu sheegay  Guddiga.

Afar degmo oo ku yaalla galbeedka dalkaasi ayaan doorashada laga qaban,kadib markii ay rabshado hareeyeen maalintii jimcaha,iyadoo halkaasi ay ku dhinteen ugu yaraan 10 ruux ,tiro kalena ay ku dhaawacmeen,sida ay soo werisay warbaahinta maxalliga ah ee Kenya.

Dhinaca kale Madaxweyne kenyatta oo ka hadlayey xarunta laga shaaciyey natiijada ee Bomas,ayaa shacabka ugu baaqay in ay isdejiyaan oo isku duubni muujiyaan,islamarkaana ay ilaaliyaan amniga iyo kala-dambaynta dalka.

Kenyatta ayaa sidoo kale sheegay in uu aaminsanyahay”in doorashadii la qabtay8 Aug ay si xalaal ah u dhacday“,taaso ay mar dambe natiijadeeda laashay maxkamadda sare ee dalkaasi,kadib dacwad ay gudbiyeen mucaaradka oo ku saabsaneyd in la musuqmaasuqay.