Weerarkii Naasa-Hablood oo la soo Afjaray iyo Raggii weerarka soo qaaday oo la qabtay

Wasaaradda Amniga Gudaha Xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in la soo afjaray weerarkii lagu qaaday Hoteelka Naasa-hablood 2 ee Magaaladda Muqdisho, kaasi oo  socday in ka badan13-saacadood.

Afhayeen-ka Wasaaradda Amniga gudaha ee Xukuumadda Soomaaliya C/casiis Xildhibaan oo la hadlay Warbaahinta Gudaha  ayaa sheegay in ciidamada amniga ay ku guuleysteen inay qabtaan raggii weerarka soo qaaday.

Waxaa uu sheegay C/casiis Xildhibaan in ragga weerarka kusoo qaaday hotelka ay ahaayeen shan ruux oo mid is qarxiyay, midna ay ciidamada ammaanka dowladda Soomaliya ay toogteen, saddexda kalena nolosha lagu haayo.

Inta la xaqiijiyay 19-ruux ayaa ku dhimatay 40-kalana waa ay ku dhaawacmeen weerarkii lagu qaaday Hoteelka Naasa-hablood 2 ee Magaaladda Muqdisho, kaasi oo ay sheegteen ururka Al-shabaab.

PUNTLAND POST