Taliyeyaashii Ciidanka Nabad-sugida iyo Booliiska Soomaaliya oo Xilalkii laga qaaday

Muqdisho (PP) ─ Shir aan caadi ahayn ee Golaha Wasiirada Somalia ay ku yeesheen Muqdisho ayaa waxaa xilalkii looga Qaaday Taliyaha Booliiska Soomaaliya, C/xakiin Daahir Saciid iyo Agaasimihii Nabad-Sugidda Qaranka C/llaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).

Kulanka aan caadiga ahayn ee Golaha Wasiirrada Somalia ayaa looga hadlay arrimaha amniga iyo gaar ahaan qaraxii shalay ay Al-shabaab ku qaadeen Hotel Nasa-Hablood Laba ee Magaalada Muqdisho, kasoo geystay khasaare isugu jirta dhimasho, dhaawac iyo burbur.

Wasiirka Amniga Gudaha Somalia, Maxamed Abukar Islow (Ducaale) ayaa Golaha Wasiirada siiyey warbixin la xiriirta dhacdadii Musiibada Qaran ahayd ee 14-kii October iyo tii shalay 28-ka October oo ay Al-shabaab qarax iyo weerar ka fuliyeen Hotel Nasa Hablood Laba .

Golaha Wasiirada ayaa ka tacsiyeeyey dhammaan dadkii ku geeriyooday Qaraxii shalay, una rejeeyey inta dhaawaca ah in EEBBE bogsiiyo. Golaha Wasiirada Somalia ayaa si kulul u cambaareeyey falka Argagaxisada ah, isla markaasna ku ammaanay ciidamada Soomaaliyeed ee geesiyaasha ah sida ay u soo bad-baadiyeen dad badan.

Wasiirka Amniga ayaa sheegay in dhacdadii 14kii Oktoober 2017 loo qabtay dad gaaraya ilaa 5 qofood oo ay ku jiraan darawalkii gaariga Noha ee qarxay maalintaas iyo 2 damiin ka ahaa gaarigii ku qarxay isgoyska KM5 iyo shaqsi isaga isa soo dhiibay oo ay hay’adaha amnigu gacanta ku hayaan.

Sidoo kale, Wasiirka ayaa ka warbixiyey dhacdadii qaraxii hotel Nasa Hablood 2 oo uu sheegay inay ku geeriyoodeen 27-ruux, isla markaasna dad badan laga soo bad-baadiyey Hoteelka oo ay Ciidamadu u Gurmadeen. Wasiirka ayaa sheegay in 5 maleeshiyada Al-shabaab ah ay weerarka qaraxa soo qaadaan iyadoo 3 ka mid ah gacanta lagu dhigay oo ay hay’adaha amniga su’aalo weydiinayaan.

Dhanka kale, Golaha ayaa dood dheer ka yeeshay arrimaha amniga iyo nabadeynta soona jeediyay tallooyin muhiim u ah hay’adaha amniga. Intaas ka dib ayaa Wasiiirka Amniga uu Golaha Wasiirrada ka codsaday in Xilalka laga qaado Taliyaha Booliiska iyo Agaasimaha Hay’ada Nabad-Sugida Qaranka, si loo helo isla-xisaabtan dhab ah.

Ugu dambeyn, Taliyeyaashan xilalka laga qaaday ayaa waxaa loo qaaday cod, waxaana xubnaha golaha wasiirradu ay isku raaceen in xilalka laga qaado, iyadoo tani ay imaanayso xilli laba toddobaad gudahood ay Xamar ka dhaceen qaraxyo khasaare badan geystay.

PUNTLAND POST