Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaaladda Muqdisho Taabid Cabdi Maxamed ayaa ka hadlay qaraxii iyo weerarkii shalay lagu qaaday Hoteelka Naasa-hablood 2 ee Magaaladda Muqdisho.
Taabid ayaa tacsi u direy qoysaska dadka ku waayay weerarkaas, wuxuuna sheegay in ka maamul ahaan ay aad uga xun yihiin in muddo 2-todobaaad kadib in musiibo kale ay ka dhacdo Muqdisho.
“Lama aqbali karo in 2 Asbuuc gudahood masiibo kale inagu dhacdo. Waa in si dhab ah la iskula xisaabtamaa, mas’uuliyaddana dusha loo ritaa. Waxaan aaminsanahay sida keliya oo musiibooyinkan oo kale looga hortagi karo waa inay qof waliba shaqadeedu si sax ah u gudataa..” ayuu yiri Guddoomiyaha G/Banaadir.
Shalay galinkii dambe waxaa Muqdisho ka dhacay qaraxyo khasaare geystay iyo weeraro toos ah oo ay Al-Shabaab ku qaadeen Hoteel Naasa Hablood 2 ee Muqdisho.
PUNTLAND POST