Xisbiga Waddani ee Somaliland ayaa maanta war uu soo saaray ku sheegay, in xalay la weeraray guriga uu magaalada Hargeysa ka degganyahay musharraxa madaxweyne ee xisbigaasi Cabdiraxmaan Maxammed Cabdillaahi(Cirro).
Koox dhalinyaro ah oo abaabulan ayaa la sheegay in ay weerarka geysteen,kuwaasoo budad iyo dhagax ku weeraray guriga musharraxa,islamarkaana dhaawacay mid kamid ah ilaaladiisa,waxaana xisbigu muujiyey tuhun uu ka qabo”cidda tartanka doorashadu kala dhexayso”,inkastoo aanay magacaabin xisbi gaar ah.
Weerar fal-celis ah, ayaa sidoo kale la soo weriyey,kaasoo lagu qaaday xafiiska xisbiga Kulmiye ee xaafadda Sheekh Madar ee magaalada Hargeysa,laakiin wax khasaare ah kama dhalan,sida ay sheegeen mas’uuliyiinta Xisbiga Kulmiye.
Taliyaha guud ee Booliiska Somaliland Gen.Cabdillaahi Fadal Imaan oo la hadlay BBC-da ayaa sheegay in tiro dhalinyaro ah ay u xireen weeraradaas,wuxuuna ku hanjabay in gacan bir ah lagu qaban doono cid kasta oo ku kacda fal noocaas oo kale ah.
Musharraxa Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi oo saaka taageerayaashiisa kula hadlayey fagaaraha Khayriyadda ee magaalada Boorame,ayaa si kulul u cambaareeyey weerarkii xalay lagu qaaday guriga musharrax Cirro,wuxuuna ku tilmaamay”mid badownimo ah”.
Dhinaca kale Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Yaasiin Xaaji Maxamuud(Faratoon) oo la hadlayey Wargees ka soo baxa magaalada Hargeysa,ayaa ka digay qalalaase ka dhasha ol-olaha doorashada Somaliland,isagoo ugu baaqay mas’uuliyiinta xisbiyada in ay xakameeyaan taageerayaashooda,si looga hortago isku-dhacyo. Wasiir Faratoon ayaa u sheegay Geeska.net in cid walba oo dhibaato abuurta sharciga lala tiigsanayo.
“Hargeysa ayey wax yari ka yara dhaceen, laakiin Dadka in badan baa looga digayey in isku dhac iyo qalaalase la abuuro, sharciyo ayaanu ka soo saarnay. Guddida Nabadgalyada Qaranku go’aamo adag buu ka soo saaray oo ah in ciddii dhib abuurta in sharciga la marsiiyo, oo la ciqaabo.Madaxda Xisbiyada waxaan farayaa inay xakameeyaan taageerayaashooda.lama ogola cid nabadgalyo daro abuurta, Doorashadu inay si xor iyo xalaal ah ku dhacdo ayaa la doonayaa, si nabadgalyo ah in ay ku dhacdo ayaa la doonayaa”,ayuu yiri Wasiir Faratoon.
13 November ee sannadkaan dhammaadka ah,ayaa loo asteeyay doorashada madaxtinimada Somaliland,waxaana ku tartamayaa saddex Xisbi oo uu ku jiro midka talada haya,kuwaasoo ol-olahoodu ka socdo guud ahaan Somaliland,islamarkaana kala jiidanaya taageerayaal cusub.
PUNTLAND POST
Cabdiraxmaan Ciise Cumar