Shirka Madaxda Dowlada iyo Kuwa Maamul Goboleedyada oo Maanta ka Furmaya Muqdisho

Maanta oo taariikhdu ku beegantahay 28 Octobar ayaa waxaa lagu wadaa in Muqdisho uu ka furmo shirka u dhaxeeya Madaxda Dowlada Dhexe ee Soomaaliya iyo Madaxda maamul Goboleedyada.

Madaxweynayaasha maamul Goboleedyada dalka ayaa lagu wadaa in ay soo gaaraan Magaalada Muqdisho maanta oo Sabti.

Madaxweynayaasha Puntland Gal-Mudug Jubbaland iyo Hir Shabelle ayaa lagu wadaa in ay soo gaaraan Muqdisho waxaana shalay Muqdisho soo gaaray madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Shirkaan oo ah mid xasaasi ah ayaa madaxda maamul goboleedyada iyo kuwa Dowlada Dhexe ay falanqeeyn doonaan islamarkaasina ay ka hadli doonaan qilaafka siyaasadeed ee u dhaxeeya.

Sidoo kale wararka ay Puntland Post heleeyso ayaa waxa ay sheegayaan in shirkaani sidoo kale lagu falanqeeyn doono gulufka colaadeed oo dowlada Soomaaliya ay ku qaadeeyso Al-Shabaab.

Hoos ka Dhageyso Warbixin Wariyaha PP Muqdisho Cowke uu Shirka ka diyaariyay

Xasan Maxamed Samatar Cowke 

Puntland Post Muqdisho