Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu helay in uu yahay Al-Shabaab oo lagu Xukumay Jarmalka

Maxkamadd ku taala magaalada Frankfurt ee dalka jarmalka ayaa ku xukuntay muwaadin Somali-jermal ah labo sano iyo toban bilood oo xabsi ah, kadib markii lagu helay dambi ah inuu ku biirey Xarakada Al-shabaab.

Abshir oo 29-sano jir ah ayaa ku dhashay magaaladda muqdisho ee Caasimadda Soomaliya wuxuu tagay dalka Jermalka sanadkii 2012-kii wuxuna kamid ahaa  Al-shabaab ilaa horaantii sanadkii 2014-kii.

Sidoo kale maxkamadda ayaa sheegtay in muddo afar bilood ah uu tababar milatari la qaatay Al-shabaab isagoo bartay sida loogu dagaalamo hubka sidoo kalana bartay qaabka loogu dagaalamo weerarada ku dhufo ka dhaqaaqda ah.

Abshir waxa ay al-shabaab u direen saldhig ay ciidamada al-shabaab leeyihiin, balse waxyar kadib ayuu sababo caafimaad awgeed ugaga tegey saldhigaas.

Ciidamada booliska dalka Jermalka ayaa xirey abshir sanadkii 2016-kii kadib markii uu ka dagay garoonka diyaaradaha ee magaalada frankfurt.

Abshir oo maxkamadda ka hor hadlay ayaa sheegay in uu ku biiray Al-shabaab balse uusan ka qeyb qaadani wax dagaal ah.

PUNTLAND POST