FAAHFAAHIN: Qaraxii Hotel Nasa-hablood 2, Qaraxyo dhacaya & Al-shabaab oo sheegatay


Muqdisho (PP) ─
Ugu yaraan 15-qof ayaa ku dhintay, tiro ka badan 25 qof oo kalena dhaawacyo kala duwan ayaa kasoo gaaray Qarax culsu oo gabal-dhicii maanta lagu weeraray Hotel Nasa-hablood 2 oo ku dhaw Bangiga dhexe ee Soomaaliya, iyadoo mas’uuliyadda weerarkan ay sheegatay Al-shabaab.

Al-shabaab ayaa sheegtay inay xoogaggeedu ka dhex dagaalamayaan Hoteelka, inkastoo aan la ogeyn tiradooda. Sidoo kalena Gudaha Hoteelka ayaa la sheegay inay weli qaraxyo ka dhacayaan, halkaasoo ay ku dhex-dagaalaayaan ciidammo ka tirsan kuwa dowladda Somalia iyo xoogaggii weeraray Hoteelka oo ku yaalla goob muhiim ah.

Gaadiidka Gurmadka deg-degga ah ee Muqdisho ayaa xaqiijiyay dhimashada in ka badan 10-qof, iyagoo sheegay inay arkeen maydad kale oo daadsanaa goobta uu weerarku ka dhacay ayna awoodi waayeen inay tira-koobkaan.

Sidoo kale, Weerarkan ayaa noqonaya kii labaad oo ugu xoogga badnaa oo muddo bil gudaheed ah ka dhaca Muqdisho, iyadoo weli la xusuuto Qaraxii ka dhacay isgoyska Zope oo ay ku naf-waayeen in ka badan 350-qof, ayna ku dhaawacmeen boqolaal kale

Dadka ku dhintay weerarkan ayaa waxaa ku jira Taliye ka tirsanaa Ciidanka Dowladda Somalia iyo xildhibaanno hore oo aan weli magacyadooda la helin, waxaana weerarkan uu imaanayaa xilli ay dowladda Somalia diyaar-garoow ugu jirtay weerar ka dhan ah Al-shabaab.

Ciidamada Ammaanka Dowladda Somalia oo goobta gaaray ayaa waxay la dagaalamayaan kooxaha weeraray hoteelka, waxaana hoteelkan lagu yiqiin inuu yahay goob ay deggenaayeen siyaasiyiin kala duwan oo ka tirsanaan jiray dowladihii dalka soo maray iyo kuwo hadda shaqeynaya.

Ugu dambeyn, saraakiil ka tirsan hay’adaha ammaanka ayaa sheegay inay socdaan dadaallo lagu doonayo in kooxaha looga adkaado, isla markaana lagu badbaadiyo xubnaha weli nool.

Wixii warar ah ee soo kordha kala soco Puntlandpost haddii ALLE idmo.

PUNTLAND POST