Muqdisho (PP) ─ Dowladda Federaalka Somalia ayaa xilalkii danjirenimo ka qaaday siddeed danjire oo Somalia u fadhiyay waddamo muhiim ah oo horay loo faray inay soo galaan dalka, laakiinse ka dhego-fureystay.
Danjirayaasha xilalkii laga Qaaday waxay Magacyadoodu kala yihiin:
1. Yuusuf Xasan Ibraahim, Safiirkii Somalia ee Shiinaha
2. C/raxmaan Cabdi Xuseen, Safariikii Somalia ee Jabuuti
3. C/qaadir Sheekey Maxamed, Safiirkii Somalia ee UAE
4. Cumar Sheekh Cali Idris, Safiirkii Somalia ee Qatar
5. Maxamed Xasan Dawaare, Safiirkii Somalia ee Zambia
6. C/qaadir Amiin Sheekh Abubakar, Safiirkii Somalia ee Kuwait
7. Maxamed Cabdi Ugaas, Safiirkii Somalia ee Suudaan
8. Sayid Axmed Sheekh Daahir, Safiirkii Somalia ee Uganda
Xilalka Danjirenimo ee sideedda waddan waxaa sii wadaya intooda badan xubno safaaradda ka tirsan, siiba la-taliyeyaasha koowaad, kuwaasoo amar lagu siiyay inay hawsha sii wadaan inta Dowladdu ay danjirayaal cusub ka soo magacaabi doono.
Ugu dambeyn, safiirrada xilalka laga qaadya ayaa intooda badan muddo dheer xilalka hayay, waxayna gaareen heer ay xilka ka dhigtaan hanti ay leeyihiin iyadoo lagu guuleysan waayay in la beddelo.
PUNTLAND POST