Ra’iisul wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre iyo wafdi balaaran uu hogaaminayo ayaa maanta lagu wadaa in ay u ambabaxaan dalka Turkiga.
Wafdiga Ra’iisul wasaaraha ayaa waxaa qeyb ka ah wasiirka arimaha dibada Xukuumada Federaalka Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar iyo xubno wasiiro iyo Baarlamaanka isugu jiro.
Ra’iisul wasaare Kheyre ayaa safarkaan maanta uu ugu ambabaxayo Turkiga waxa uu ka baaqday Laba Todobaad ka hor kadib qarixii khasaaraha badan geystay ee ka dhacay Muqdisho.
Ra’iisul wasaare Kheyre ayaa markii uu tago Turkiga waxa uu ugu horeeyn booqan doonaa muwaadiniintii Soomaaliyeed ee la geeyay Turkiga kuwaasi oo ku dhaawacmay qarixii Muqdisho.
Dhinaca kale Ra’iisul wasaaraha ayaa la kulmi doono Madaxda dalka Turkiga sida dhigiisa dalka Turkiga Binali Yildirmini iyo Madaxweynaha dalkaa Ordogan.
Soomaaliya iyo Turkiga ayaa waxaa ka dhaxeeya xiriir aad u wanaagsan .
Xasan Maxamed Samatar Cowke
Puntland Post Muqdisho