Nairobi (PP) ─ Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee dalka Kenya, David Maraga ayaa sheegay in Maxkamaddu aysan go’aan ka gaari karin dacwad la doonayay in dib loogu dhigo doorashada ku celiska ah ee Kenya iyo in kale.
David Maraga ayaa hadalkiisa ku sheegay in Garsooreyaasha Maxkamadda oo Toddobo xubnood ahaa aysan u suuro-gelin inay soo xaadiraan kulanka maxkamadda.
Sidoo kale, Ku xigeenkiisa ayaa maqnayd kaddib markii Tallaadadii shalay ahayd toogasho lagu dhaawacay mid ka mid ah ilaaladeeda. Iyadoo lagu wado doorashada inay qabsoonto maalinta berri ah oo horay loo iclaamiyay.
Maxkamadda Sare ee Kenya ayaa horay u laashay Natiijadii doorashadii ka dhacay dalkaas bishii Ogoosto ee sannadkan, sababo lagu sheegay inay ka jirtay doorashada khaladaad farsamo.
Hoggaamiyaha Isbahaysiga Mucaaradka dalka Raila Odinga, ayaa qaadacay doorashadan ku celiska ah, wuxuuna tilmaamay in wax is-beddel ah aan wali lagu sameyn doorashada, isla markaana aan la sixin khaladaadkii hore.
Madaxweynha dalka Kenya, Kenyatta oo doonayo in mar labaad xilkaas loo soo doorto ayaa sheegay inay qasab tahay in doorashadu ay dhacdo xilligii loo qoondeeyay.
Dhanka kale, Sida uu Qabo sharciga – ugu yaraan shan garsoore ayay tahay in ay Maxkamadda soo xaadiraan si ay u dhageysto dacwad ama ay go’aan u gaarto, laakiin wuxuu xusay in Gabadha ku xigeenkiisa ah Philomena Mwilu aysan u suuro-gelin inay maxkamadda soo xaadirto.
Maraga, ayaa intaas ku daray in garsoore kale uu iman waayay kulankii ay maxkamaddu yeelan lahayd, maadaama sababo caafimaad awgood uu dalka uga maqan yahay.
Waxaa kaloo uu xusay inay imaan waayeen laba garsoore oo kale, kuwaas oo lagu waday inay kulanka soo xaadiraan, balse ma caddeyn sababta ay u iaan waayeen kulankii maxkamadda sare.
Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Kenya ayaa Raalli-gelin u jeediyay dhammaan axsaabta ay arrintan quseysay, isagoo sheegay inay adag tahay in kooram la’aan aysan maxkamaddu go’aan gaari karin.
PUNTLAND POST