FARMAAJO: Si aysan u soo noqon musiibadii Zope Waa inaan Wadajir Dalka u Difaacano

Muqdisho (PP) ─ Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo dalka dib ugu soo laabtay ayaa sheegay in madaxda dalalka Uganda, Itoobiya iyo Jabuuti ay isku soo afgarteen in la dar-dar geliyo dagaalka ka dhanka ah argagixisada Alshabaab.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in dhiggiisa Mudane Yoweri Museveni, Ra’iisul Wasaare Hailemariam Desalegn iyo Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ay ka aqbaleen in ay kordhiyaan dadaalada dalalkooda ay kaga qayb qaadanayaan dagaalka lagaga xoraynayo Alshabaab guud ahaan dalka.

“Waxaan u safarnay sidii aan garab ugu heli lahayn dar-dar gelinta dagaalka aan dalka kaga xoraynayno Alshabaab, Alle waa nagu guuleeyey. Madaxdu waxa ay ballan qaadeen in ay ka jawaabaan codsigeenii ahaa in la xoojiyo ciidamadeenna oo qalab iyo agabka ay u baahanyihiin nagu gacansiiyaan,” ayuu yiri Farmaajo.

Madaxweyne Farmaajo waxa uu ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay u istaagaan la dagaalanka argagixisada Alshabaab ee had iyo jeer ku howllan xasuuqa iyo gumaadka umaddeena.

“Murugadii ka dhacday Soobe si aysan mar kale u soo noqon, waa in aan u wada istaagnaa difaaca dalkeenna, lana dagaallano cadawga si aysan fursad dambe ugu helin dhibaatada ay nagu hayaan,” ayuu hadalkiisa ku daray.

Ugu dambeyn, Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ku howllan qorsheyaal lagu dabargooynayo qatarta ururka Al-shabaab, isagoo safarkiisa ka hor xarunta ciidanka ee Jasiira ku saagootiyey Cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka oo u ambabaxayey howlgallo ka dhan ah argagixisada Al-shabaab.

DAAWO: Hadal uu Warbaahinta siiyay Madaxweyne Farmaajo soo laabashadiisii kaddib;

Farmaajo oo Muqdisho ku laabtay: "Dalalkii aan booqday waxa ay ballan qaadeen in ay ka jawaabayaan codsigeena"

Posted by BBCSomali on Wednesday, October 25, 2017

PUNTLAND  POST