Muqdisho (PP) ─ Afhayeenka ciidanka AMISOM Wilson Rono ayaa beeniyay warar sheegaya in Ciidammadoodu ay dad fara badan ku laayeen Dulleedka Muqdisho, kaddib markii ciidankooda lagu qaaday weerar qarax iyo iska hor imaad toos ah.
Wilson Rono oo la hadlayay Warbaahinta Dowladda Somalia ayaa sheegay in Weerarkaas uu uga dhintay hal Askari, halka mid kale uu ka dhaawacmay, sidoo kale wuxuu xusay in labo ruux oo rayid ah lagu dilay weerarkaas.
Sidoo kale, Warbaahinta ka hawlgasha Gudaha iyo kuwa baraha bulshada ayaa lagu baahiyay wararka sheegaya in AMISOM ay dad badan ku dileen deegaanka Lafoole.
Dhanka kale, Warar madax-banaan ayaa sheegaya in rasaas ay Ciidamada AMISOM fureen ay dad rayid ah wayxeelo ka soo gaartay, kaddib markii qarax lala eegtay.
Wariye u shaqeeyay Idaacad ku taal degmada Afgooye ayaa ka mid ahaa dadkii lagu dilay weerarkan, kaasoo lagu magacaabi jiray Jacfar Cali Daacad oo macalin ka ahaa iskuul ku yaalla deegaanka Lafoole, kaddib markii ay ku fureen ciidamada rasaas toos ah.
Ugu dambeyn, Ma ahan markii u horreysay ee weerar lagu qaado Ciidamada AMISOM ay ku waxyeeloobaan dad rayid ah, waxaana badana dhacda in marka Ciidamada lagu weeraro jidadka in sidoo kale ay dadka rayidka waxyeelo ka soo gaaraan.
PUNTLAND POST