Gudoonka Labada Aqal ee Baarlamaan Soomaaliya oo soo gaaray Garowe


Gudoonka labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamad Cismaan Jawaari iyo Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo wafdi ay hogaaminayaan ayaa maanta soo gaaray magaalada Garowe ee xarunta Puntland.

Gudoonka Labada Aqal ee Baarlamaanka ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha Kanooco ee Garowe ku soo dhaweeyay Madaxweynaha Puntland, Gudoonka Baarlamaanka Puntland, Wasiiro iyo Xildhaano ka tirsan Puntland, Maamulka Gobolka Nugaal iyo dadweyne aad u tira badan.

Gudoonka Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka ayaa waxaa socdaalkooda ku wahelinayay xubno ka tirsan Labada Aqal ee Baarlamaan, waxayna kulamo la qaadan doonaan madaxda Puntland.

Goordhow la soco Muuqaal ku saabsan Socdaalka Godoonka Labada Aqal.