
Indhaha mucaashaqiinta kubada cagta ayaa ku sii jeeda magaalada Cardiff ee dalka Wales oo ka tirsan Boqortooyada UK, halkaas oo Caawa uu ka dhici doono kulanka finalka Champions league-ga oo ay ku kulmayaan kooxaha Real Madrid iyo Juventus oo ka mid ah kooxaha ugu awooda badan caalamka.
Real Madrid oo koobkan difaacanaysa ayaa doonaysa in ay hanato xili ciraadkeedii labaad oo xirrir ah, iyadoo noqonaysa haddii ay qaato kooxdii ugu horeysay oo laba sano oo xiraara qaada koobkan tan iyo markii lagu magacaabay UEFA Champions league, halka Juventus ay doonayso in ay qaado koobkan oo ay ugu danbeysay sanadkii 1996-dii.
Labada kooxood ayaa 1998-dii ku kulmay finalkii Champions league-ga waxaana 1-0 ku hanatay Real Madrid markii uu goolka qura dhaliyay halyeygii reer Montenegro ee Predrag Mijatovic, Zinedine Zidane tabaraha Real Madrid ayaa markaas ka mid ahaa laacibiintii juventus ee koobkaas laga qaaday.
Kulan ayaa ah kulankii 19-aad oo ay kulmaan labadan kooxood tan iyo bilowgii koobkan oo markii hore lagu magacaabi jiray European Cup haddana haddana lagu lagu magacaabo Champions league waxayna guulaysteen mid 8 jeer, halka ay barbaro galeen 2 jeer iyadoona lawada sugayo natiijadiisa caawa.
Labadan kooxood ayaa soo qaaday horyaalada dalalkooda iyadoo Juventus ay sidoo kale qaaday Coppa Italia kulankan ayaana ah mid ay adagtahay in la saadaaliyo maadama awoodaha labadan kooxood ay yihiin kuwa siman.
Real Marid ayaa tartankan horey ugu soo guulaysatay 11 jeer oo kala ahaa sanadii 1956, 1957,1958,1960,1966,1998,2000,2002,2014,2016, halka Juventus ay ku guulaysatay 2 jeer oo kala ahaa sanadhii 1985, iyo 1996.
Labada kooxood ayaa waxaa u diyaarsan dhamaan laaciibiinta, iyadoo Real Madrid uu dib ugu soo laabay garabkooda duula ee Gareth Bale, laakiin tabare Zidane ayaa ku soo bilaaban doona da’ yarka reer spain ee Isco.
Labada kooxood ayaa ku shir tagi doona shaxdan Juvebtuus:- Gianluigi Buffon, Giorgio Chiellini, ,Alex Sandro, Andrea Barzagli, Leonardo Bonucci, Miralem Pjanic, Sami Khedira, Mario Mandzukic, Paulo Dybala, Daniel Alves, Gonzalo Higuain, halka Real Madrid:- Keylor Navas, Daniel Carvajal, Sergio Ramos, Raphael Varane, Marcelo, Marcelo, Casemiro, Luka Modric, Isco, Cristiano Ronaldo, Karim Benzema.

Garoonka ay ciyaartu ka dhacayso ayaa lagu magacaabaa National wuxuuna ku yaala magaalada Cardiff ee dalka Wales oo ka tirsan Boqortooyada UK , waxaana ciyaarta dhex dhexaadin doona Felix Brych oo u dhashay dalka Germany, xilliguna waa 9:45 PM saacada Geeska Africa.
Liban Yusuf
PUNTLAND POST