Wararka PUNTLAND POST ay ka heleeyso Magaalada Gar Bahaareey ee Xarunta Gobolka Gedo Ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi ay ku bur burtay Diyaarad ay leedahay ha’ada Cuntada Aduunka ee WFP.
Diyaaradaan oo raashin gar gaar u waday dadka Saameeynta ay ku yeesheena abaarta ayaa waxaa qabsaday cilad sababtay in diyaaradu ay bur burto.
Diyaarada ayaa markii ay dhulka ku soo dhacday waxaa ka dhex dhashay dab taasi oo ugu dambeeyntii la damiyay.
Diyaarada ayaa bur burisay guryo ka ag dhowaa Garoonka sida ay xaqiijiyeen Maamulka Degmadaasi oo Warbaahinta la hadlay.
Wali Ha’ada WFP kama hadlin sababta keentay in diyaaradeeda ay bur burto.
Xasan Maxamed Samatar Cowke
Puntland Post Muqdisho