Ciidamada ilaalada xeebaha dalka Talyaaniga ayaa soo badbaadiyay tahriibayaal African ah oo ay ku jiraan Soomaali, kuwaas oo Dooni ay wateen kula degtay xeebaha Jasiiradda Lampeduse.
Ciidamada ilaalada xeebaha Talyaaniga ayaa tahriibayaalsha oo gaarayey boqolaal gurmad balaaran u fidiyay, xili ay ku sugnaayeen xaalad aad u liidata oo qaar ka mida ay ku dhinteen badda.
Tiro ka badan 180,000 oo tahriibayaal ah ayaa sanadkii la soo dhaafay ee 2016 gaaray dalka Talyaaniga, taas oo ahayd tiradii ugu badnayd oo tahriibayaal ah oo gaara dalkaas.
Tahriibayaasha safarka khatarta badan ugala qaarada Yurub ayaa inta badan ka yimaada wadamada Africa iyo Bariga dhexe, kuwaas oo raadinaya nolol dhaanta mida dalalkooda.
Kumanaan tahriibayaal ah oo ay ku jiraan Soomaali ayaa sanadihii la soo dhaafay ku naf waayey biyaha Mediterranean-ka ee u dhaxaysa Liibiya iyo Talyaaniga.

Liban Yusuf
PUNTLAND POST