
War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arimah Soomaaliya Mr Michael Keating ayaa lagu soo dhaweeyay wadahadalladii nabadeed ee magaalada Cadaado ku dhexmaray Madaxweynayaasha Puntland iyo Galmudug.
“Wadahadallada dhexmaray Madaxweynayaasha Gaas iyo Xaaf aad ayey muhiim u yihiin waxayna leeyihiin yadadiilo, wax ka qabashada cabashooyinka iyo in la helo xal labada dhinacba faa’iido u leh ayaa hadda ah tallaabada horumarineed (hore-usocod) ee gobollada dhexe guud ahaan, gaar ahaan magaalada Gaalkacyo.” ayuu yiri Mr Keating
Warsaxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu sheegay in Qaramada Midoobay iyo saaxiibbada caalamka ay diyaar u yihiin inay taageeraan Madaxweynayaasha Gaas iyo Xaaf oo ay kala shaqeeyaan dhamaan deegaanada sidii loo taageeri lahaa geedi-socodka nabadaynta iyo dowlad dhisidda Soomaaliya.
Labada madaxweyne ee Puntland iyo Galmudug ayaa la sheegay in ay ku heshiiyeen inay soo afjaraan muranka ayna xoojiyaan wadahadallada wax lagu dhisaayo ee u dhexeeya labadooda maamul, waxaana kaloo la sheegay in ay ballan qaadeen furitaanka waddooyinka si dadka iyo badeecooyinka loogu ogolaado dhaqdhaqaaq xor ah.
Dhawaan ayey ahayd markii magaalada Cadaado ay heshiis dhowr qodob ah ku gaareen madaxweynayaasha Puntland iyo Galmudug.
Liban Yusuf
PUNTLAND POST