Qaraxa ay ku dhinteen in ka badan 80 ruux ayna ku dhaawacmeen tiro ka badan 350 ruux ayaa saaka oo Abraco ah ka dhacay irida hore ee madaxtooyadda dalka Afganistan eemagaalada Kaabuul.
Qaraxa ayaa ka dhashay gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa oo lagu dhuftay gaadiid horyaalay madaxtooyada, iyadoo goobtu ay ahayd xiligaa mid mashquul ah waxaana sidoo kale ka dhowaa safaaradaha Faransiiska iyo Germany.
Saraakiisha dowlada Afganistan ayaa xaqiijiyey in qaraxaas ay ku dhinteen in la ogyahay 80 ruux, halka ay ku dhaawacmeen in ka badan 350 ruux oo isugu jira Shaqaale dowladeed iyo dad rayid ah.
Ilaa iyo hadda ma jirto cid sheegatay masuuliyada weerarkaas, balse Daacish iyo Taalibaan ayaa labaduba sanadkii hore weeraro ka geystay Kaabuul.
Dadkii waxyeeladu ka soo gaadhay qaraxaas ayaa loo daabulay xarumaha caafimaadka ee magaalada Kaabuul.

Liban Yusuf
PUNTLAND POST