Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa maanta kormeer ku tagey xarunta ciidamada Booliska Soomaaliyeed iyo Academy-kada Boolis ee General Kaahiye ee magaalada Muqdisho.
Ra’iisul wasaare Kheyre ayaa ugu horeyn salaan sharaf ku qaatay xarunta ciidamada Booliska Soomaaliyeed, halkaas oo uu kormeeray qeybaha xaruntaas.
Sidoo kale Ra’iisul wasaare Kheyre ayaa booqday Academy-kada Booliska ee General Kaahiye wuxuuna halkaas kula hadlay ciidamo Boolis ah wuxuuna ku dhiirigeliyey howlaha muhiimka ah ee ay bulshada u hayaan, wuxxuna uu ku amaanay sidii ay amniga ku sugeen xiligii Imtixaanada Dugsiyada sare ee dalka ay socdeen.
Ugu d anbeyntii Ra’iisul wasaare Kheyre ayaa Booliska kula dardaarmay in ay kasbadaan kalsoonida shacabka, Booliska lagu qiimayn doono hadba sida ay ula dhaqmaaan shacabka.

Liban Yusuf
PUNTLAND POST