Madaxweynaha dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta u magacaabay Fahad Yaasiin inuu noqdo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Soomaaliya.
“Waxaan xilka Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u magacaabay Mudane Fahad Yaasiin oo ah nin dhallinyaro ah, karti iyo hufnaan aan ku bartay, kana soo dhalaali kara shaqada qaran ee loo igmaday, waxaan Eebe uga baryayaa inuu masuuliyaddan culus u fududeeyo” ayuu yiri madaxweyne Farmaajo.
Madaxweyne Farmaajo waxa uu sidoo kale u mahadcelinayay Agaasimhii hore ee Madaxtooyada Abuukar Daahir Cismaan (Baalle) oo ahaa ayuu yiri shakhsi waqti badan galiyay u khidmeynta dalkiisa iyo dadkiisa.
Fahad yaasiin ayaa ah shakhsi ay madaxweyne Farmaajo aad isu dhawaayeen wuxuuna ka qeyb qaaday olalihii Doorashada ee madaxweyne Farmaajo.
Sidoo kale Fahad Yaasiin waxa uu ahaa suxufi kana soo shaqeeyey Television-ka Al-jaziira.
PUNTLAND POST