Bangiga Aduunka oo $50 Million ugu deeqay Soomaaliya

Bangiga Aduunka ayaa Soomaaliya ugu deeqay lacag dhan 50 million oo dollar oo wax looga qabanayo arimaha abaaraha iyo dib u soo celinta dhaqaalaha dalka.

Wasiirka maaliyadda dowlada Federaalka Soomaaliya Dr Cabdiraxman Ducaale Beyle oo maanta shir jaraa’id ku qabtay maagaalada Muqdisho ayaa sheegay in shalay oo 30-ka bisha May ahayd warqad uu soo saaray Bangiga Aduunku uu u ogalaaday Soomaalida una ansixiyey lacag dhan 50 million oo dollar oo wax looga qabanayo arimaha abaaraha iyo dib u soo celinta dhaqaalaha.

Sidoo Dr Beyle ayaa sheegay in lacagtaas Soomaaliya loo ogolaaday ay tahay guul wanaagsan ayna ku salaysan tahay wax yaabaha dowladu qabanayso, hab ay u qabanayso iyo sida ay diyaarka ugu tahay in buugaagteeda labaaro oo wax walba la eego.

Dhanka kale Wasiirka ayaa sidoo kale shirka jaraa’id uga hadlay  horumarada ay Wasaaradda maaliyaddu samaysay 60-kii cisho ee uu xilka hayey wuxuuna sheegay in mudadii uu joogay xafiiska wax badan uu ka qabtay kordhinta dakhliga taas oo uu sheegay in ay sabab u ahayd isbadal balaaran oo lagu sameeyey shaqaalaha ka howl gala Dekedda iyo Garoonka Adern Cade ee Muqdisho, waxa uuna sheegay in kharashaadka kasoo xarooda gudaha ay ku filan yihiin bixinta mushaharaadka iyo kharashka kale ee dawlada.

Sidoo kale Wasiir Beyle ayaa sharaxaad ka bixiyey lacagaha deynta ah ee lagu leeyahay Soomaaliya, waxa uuna sheegay in dalka Soomaaliya lagu leeyahay lacag dhan 5 billion iyo go’go dollor, wuxuuna sheegay in lacagahaas ay kala leeyihiin Seddex Group oo kala ah paris club, non paris club iyo international bank.

Wasiirka maaliyadda Soomaaliya Dr Cabdiraxman Ducaale Beyle ayaa intii uu xilka wasaarada hayey waxaa koror laga dareemay dakhliga dowlada.

Liban Yusuf

PUNTLAND POST