
Madaxweynaha dowlada Federaalka Soomaaliya Maxmed Cabdulahi Farmaajo iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa goor-dhow la filayaa in ay gaareen magaalada Cadaado ee xarunta KMG dowlad goboleed Galmudug, halkaas oo ay maaanta ka dhacayso caleemo saaarka madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf.
Madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa Cadoodo ku soo dhaweeyn doona madaxda Galmudug iyo madax ka tirsan dowlada federaalka oo uu ka mid yahay Wasiirka Arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaaliya Cabdi Faarax Saciid Juxa oo shalay isaga iyo wafdi uu hoggaaminayo gaareen Cadaado, kuwaas oo hor-dhac u ahaa wafdiga madaxweyne Farmaajo.
Dhanka kale waxaa maanta lagu wadaa in ay Cadaado soo gaaraan dhamaan madaxda dowlad goboleeda dalka kan jira iyo wufuud kale oo ka socota beesha caalamka, si ay uga qeyb galaan caleemo saarka madaxweynaha Galmudug.
Qaban qaabada xaflada caleemo saarka madaxweynaha Galmudug ayaa ka socota xarunta Madaxtooyada Cadaado, waxaana aad loo adkeeyay amaanka, iyadoo ciidamo kala duwan la dhigay agagaarka madaxtooyada.
Bishan Seddexdeedii ayey ahayd markii magaalada Cadaado la gu doortay madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf.
Liban Yusuf
PUNTLAND POST