
Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas iyo Axmed Maxamed Islaan (Axmed Madoobe) ayaa goor-dhaweyd gaaray magaalada Cadaado ee xarunta KMG Galmudug, halkaas oo ay maanta ka dhacayso caleemo saarka madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf.
Madaxweynayaasha Puntland iyo Galmududg waxaa magaalada Cadaado ku soo dhaweeyey madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf, Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan Galmudug iyo sidoo kale Wasiirka Arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaaliya Cabdi Faarax Saciid Juxa.
Dhan kale waxaa magaalada Cadaado gaaray Wakiilka gaar ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arimaha Soomaaliya Mr. Keating iyo wakiilo kale oo ka socday beesha caalamka.
Magaalada Cadaado waxaa maanta ilaa shalay ku qul-qulayey wafuud kala duwan oo ka qeyb galaysa caleemo saarka madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf.
Liban Yusuf
PUNTLAND POST