Maxkamadda sare ee dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa laashay 8 xubnood oo ka tirsan Aqalka hoose ee Baarlamaanka , waxayna amartay in dib loogu noqdo doorashada xubnahaas.
Qoraal ka soo bxay Maxkamadda sare ee Soomaaliya, kuna taariikheysan 16-kii bishan May ayaa Maxkamaddu ku sheegtay in dacwad socotay in ka badan 5 bilood ay baabi’isay go’aankii xubnaha Madasha Qaran iyo Guddiga Hirgalinta Doorashada Federaalka ee lagu fasaxay 8 xubnood oo ka maid ahaa 11-kii xubnood ee Guddiga xalinta khilaafaadka horey u laalleen.
Maxkamada sare ee Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegtay in ay taageertay go’aankii hore ee Guddiga xalinta khilaafaadka ee ahaa in xubnahaas la laalo, isla markaana dib loo galo doorasho cusub.
Xubnaha ay Maxkamaddu sheegtay in ay laashay ayaa kala ah.
- Cabdullahi Maxamed Adan Shaacir
- Maxamed Saciid Cabdullahi
- Maxamed Axmed Abdtidoon
- Nadif Aadan Isaaq
- Muna Khalif Sheekh Abu
- Cabdicasis Salax Carmaan
- Sharmarke Garaad Saleebaan Buraale
- Samra Ibrahim Cumar
Dadka Maxkamadda usoo gudbiyey dacwadan ee ku dooday 8-da xubnood ayaa kala ah.
- Muumino Sheekh Cumar
- Aadan Maxamed Cali
- Khaalid Cumar Cali
- Maxamed Mukhtar Ibrahim
- Boqor Cabdullahi Axmed Cali
- Malaaq Sidow Maadow
- Ibrahim Saalax Dayfullah
- Caasho Xaaji Cilmi.
Lama oga go’aanka Maxkamadda sare ee Soomaaliya sida uu ku hirgali doono.
Hooska Akhriso qoraalka Maxkamadda sare ee Soomaaliya ka soo baxay.


Liban Yusuf
PUNTLAND POST