Faah Faahin qarixii ka dhacay Muqdisho

Faah faahin Dheeraad ayaa ka soo baxeeyso qarax qasaare geeystay oo ka dhacay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Qaraxa ayaa ka dhacay meel aan sidaasi uga fogeeyn Dekada Magaalada Muqdisho.

Qaraxa ayaa ka dhacay goob maqaaxi ah oo dad badan ay fadhiyeen xiliga qaraxa uu dhacayay.

Goobjoog ku sugnaa Goobta qaraxa uu ka dhacay Ayaa PUNTLAND POST u sheegay in qasaaruhu uu gaarayo ku dhowaad 10 ruux oo shacab u badan.

Dowlada Soomaaliya wali kama aanay hadlin qaraxaasi ka dhacay Muqdisho.

Hoos ka dhageyso Wareysiga waxaa Wareeysay Wariye Cowke.

Xasan Maxamed Samatar Cowke 

Puntland Post Muqdisho