Madaxweyne Farmaajo oo u Ambabaxay magaalada Riyadh ee dalka Sucuudiga

Madaxweynaha dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulahi Farmaajo iyo wafti uu hogaaminayo ayaa saaka u ambabaxay magaalada Riyadh ee dalka Sucuudi Caraabiya.

Madaxweyne Farmaajo ayaa magaalada Riyadh uga qeyb gali doona shirka ay yeelan doonaan hogaamiyaasha dalalka Islaamka iyo madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, kaas oo looga hadli doono arimo ay ka mid yihiin dagaalka ka dhanka ah Argagixisada.

Donald Trump ayaa  bishii March ee sanadkan meel mariyay qorshe Milateri oo ah in ciidamada Mareykanka ay dardargeliyaan dagaalka ka dhanka ah Al-shabaabta ka howlgasha Soomaaliya, isla markaana ciidamada Maraykanka  u ogalaanaya in ay weeraro dheeraada oo dhanka cirka ah ka fuliyaan gudaha Soomaaliya, sidoo kalana ay balaariyaan taageerada Milateri ee ay siiiyaan ciidamada dowlada  Soomaaliya.

Bishii May ee sanadkan Mareykan ayaa sheegay in Askari American ah oo lagu magacaabo Kyle Milliken lagu dilay gudaha Soomaaliya xili uu socday howlgal ka dhan ah Al-shabaab.

Safarka madaxweyne Farmaajo ee Sucuudiga ayaa ah safarkii labaad ee uu dalkaas ku tago tan iyo markii uu xilka qabtay, waana safarkii Sideedaad oo uu dalka kaga baxo.

Liban Yusuf

PUNTLAND POST