Madaxweyne Farmaajo oo Goordhow ku Wajahan Sucuudiga

Wafdi uu Hogamainayo Madaxweynaha Soomaliya Maxamed C/laahi Maxamed(Farmaajo) ayaa saakay ku wajahan Magaalada Riyad ee dalka Sacuudiga oo dhawaan lagu qaban doono shirka u dhaxeeya  Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump iyo wadamada Muslimiinta.

Safarka Madaxweynaha Soomaliya Farmaajo ee magaalada Riyad  ee dalka Sacuudiga Ayaa la sheegay in ay ku wehlin doonaan wasiiro ka Tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaliya iyo xildhibaano ka Tirsan Baarlamanka Soomaliya.

Shirka u dhaxeeya Mareykanka iyo wadamada Jaamacadda Carabta ayaa waxaa diirada lagu saari doonaa arrimo dhowr ah oo khuseeya xaaladaha ka jira Wadamada Bariga dhexe iyo tan Somalia, oo ay muhiim u arkaan Madaxda dalalka Carabta.

Safarka Madaxweynaha ayaa noqonaya Safarkii 8-aad ee uu dalka kaga baxo waxa uuna sidoo kale noqon doonaa safarkii labaad ee uu ku tago dalka sacuudiga.

Shirka Wadamada Jaamacadda Carabta iyo kan Madaxweynaha dalka Mareykanka oo sanadkaan uu matali doono Madaxweyne  Donald Trump ayaa la qabtaa sanadkiiba marka  waxaana diirada lagu saaraa waxyaalaha xiligaas ka jira bariga dhexe.

Xasan Maxamed Samatar Cowke 

Puntland Post Muqdisho