Maanta oo Ay Taariikhdu ku beegantahay 20-ka May ee Sanadka 2016 ayaa waxaa Magaalada Muqdisho iyo Gobolada Dalka Soomaaliya Looga Fadhiisanayaa Imtixaankii Dowlada.
Kumanaan arday ah ayaa oo dhameeyay Dugsiga sare ayaa u fadhiisanaya imtixaanka dowlada kuwaasi oo ku sugan Magaalada Muqdisho iyo Maamul Goboleedyada Dalka.
Gal-Mudug, Koonfur Galbeed, Jubbaland iyo Hirshabeelle ayaa Maanta looga fadhiisan doonaa Imtixaanka Qaran ee dowlada ay qaadeeyso.
Muqdisho ayaa goobo kala duwan ay ka dhici doonaa Imtixaanka Waxaana aad loo adkeeyay amaanka guud iyada oo ciidamo farabadana lagu soo daadiyay Muqdisho.
Waa Sanadkii 3-aad oo dowlada Soomaaliya ay qaadeeyso imtixaanka Mideeysan ee qaran .
Hoos ka Aqriso Jadwalka Imtixaanka.

Xasan Maxamed Samatar Cowke
Puntland Post Muqdisho