PUNTLAND POSTPuntland Post
Puntland

G. ku-Xigeenka Barlamanka iyo Wasiiru dowlaha Warfaafinta Puntland oo Wafdi Cumaaniyiin ah soo dhaweeyay.

Share

Guddoomiye ku-Xigeenka barlamanka Puntland iyo Wasiiru dowlaha wasaaradda Warfaafinta, Isgaarsiinta, hiddaha iyo dhaqanka Puntland Dr.C.fitaax Nuur Ashkir ayaa maanta Wafdi Cumaani ah oo ka kooban guddoomiyaha rugta ganacsiga, hay’adda Maal-gashiga Cumaan iyo Madaxtooyada Saldanadda Cumaan.

Wafdiga Cumaan ayaa raba in uu dib-u-noolayn ku sameeyo xiriirkii Soo jireenka ahaa Ee Puntland iyo Cumaan u dhaxeen jiray.

Wasiiru dowlaha Warfaafinta, isgaarsiinta,hiddaha iyo dhaqanka Puntland ayaa hadalkiisa ku bilaabay “Xiriirka aan Cumaan la leenahay waa mid soo jireen ah,oo salka ku haya ganacsi,dhaqan,Xiriir u dhexeeya labada dad ee kala deggan Cumaan iyo Puntland”.

Guddoomiye ku-xigeenka Baarlamanka Puntland ayaa asaguna wuxuu yiri” Puntland waa dhul dehin oo u baahan Maal-gashi in la gashado, waan soo dhawaynaynaa Wafdiga Cumaan nooga yimid”.
Wafdiga ayaa u jeedkiisu yahay sidii loo kordhin lahaa xiriirka ganacsi Ee labada dal,waxayna la kulmayaan Madaxweyne ku Xigeenka,waxay sidoo kale booqanayaan rugta ganacsiga,dekedda, garoonka diyaaradaha Bosaaso,iyo sidoo kale Maxjarada.


 

 

 


 

 

 

PUNTLAND POST
GAROWE

Leave a Reply