Boqorkii Basaaska ahaa ee Hal Milyan oo Dolar Bishii ka Qaadan Jirey Sirdoonka Mareykanka – W/Q: Abdulahi Nur Colombo

Boqor Hussein bin Talal bin Abdullah bin Hussein bin Ali oo loogu yeeri jirey Boqor Xuseenkii dalka Jordan oo wadankaas ka talinayey Bishii August 11-kedii Sannadkii 1952–kii ilaa Bishii February 7-dedii Sannadkii 1999-kii oo uu geeriyooday ayaa noqday basaaskii ugu caansanaa uguna halista badnaa ee bariga dhexe uga shaqeeya hay’ada sirdoonka Mareykanka ee CIA. Wargeyska caanka ah ee Washington Post ayaa markii ugu horeysay daabacay Bishii February 18-kedii Sannadkii 1977-kii cinwaanka ah “CIA Paid Millions to Jordan’s King Hussein “ CIA oo siisay lacago Milyano doller Boqorka Jordan”.

Agaasimaha wargeyska Washington Post ayaa mar danbe isna ku soo bandhigay xusuus qorkiisa basaasidda boqorka. Suxufiga iyo qoraaga caanka ah ee Masar Maxamed Xasanayn Al-Haykal oo ah aasaasaha wargeyska Al-Ahram ee Masar, marna noqday wasiirka warfaafinta ee dalkaasi, ayaa isna ku qoray buugiisa cusub ee laguna magacaabo “Dhawaaqa Siyaasadda” inuu boqorku ahaa basaas u sheqaynayay CIA iyo Yuhuudda.

Boqor Xuseen ayaa bilaabay basaasidda Sannadkii 1957-kii. Waxaana sidaasi cadeeyay suxufiga weyn ee Mareykanka Bob Woodward oo ah wariyihii fashiliyay ceebtii iyo fadeexadii Watergate ee ku dhacday Madaxweynihii Mareykanka ee Richard Nixon oo isku casilay fadeexadaas darteed. Waxaana uu sheegay Weriyehaas in boqorku u gudbiyay hay’ada sirdoonka Mosad ee Yuhuudda diyaargarawgii dalka Masar ee ka talaabistii kanaalka Suweys dagaalkii 1973-kii Boqorka ayay hay’ada sirdoonka Mareykanka ee CIA bil kasta siin jirtay Hal Milyan oo Dollar, iyadoo markii danbe uu lacagtaas waxyar ka dhimay Madaxweynihii hore ee Mareykanka Jimmy Charter.

Magaca hay’ada sirdoonka Mareykanka CIA ee boqorku ku hawlgeli jiray ayaa ahaa Master Beef. Magacaasi oo ku jira tobanka basaas ee ugu caansan hay’ada sirdoonka Mareykanka CIA.

Qore: Abdulahi Nur Colombo