
Boqorka Sucuudiga Salmaan Bin Cabdulcaziz ayaa garoonka diyaarada caalamiga ah ee King Khalid ee magaalada Riyadh ku soo dhaweeyey madaxweynah Mareykanka Donald Trump oo ay waheliso xaaskiisa Melania Trump.
Donald Trump ayaa maanta la kulan gaar ah la qaadan doona Boqor Salmaan, waxaana uu sidoo kale maalinta Bari ah la kulmi doonaa hogaamiyaal badan oo ka socda dalalka Islaamka oo haalkaas shir kuleh, marka laga reebo madaxweynaha Sudan Cumar Al-Bashiir oo shirkaas aan ka qeyb galay.
Shirka Donald Trump iyo hogaamiyaasha Islaamka ayaa diirada lagu saari doonaa dagaalka ka dhanka ah Uururada Argagixisada.
Donald Trump ayaa intii uu ku guda jiray Ololihiisii doorashada sheegay in uu xanibaad kusoo rogayo Muslimiinta, sidoo kale markii uu xilka lawareegay waxa uu soo galidda Mareykanka ka mamnuucay 6 dal oo Muslim ah.
Trump ayaa booqashadii Sucuudiga uga gudbi doona dalalka Israel iyo Talyaaniga.
Liban Yusuf
PUNTLAND POST