Ilo lagu kalsoonaan karo ayaa Warbaahinta PUNTLAND POST u sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdulaahi Farmaajo uu ku wajahanyahay dalka Sucuudiga.
Madaxweyne Farmaajo ayaa dalka Sucuudiga uga qeyb galaya shirka Jaamacada Carabta iyo kan Mareykanka.
Wararka ayaa waxa ay intaasi ku darayaan in Boqorka Dalka Sucuudiga uu warqad casuumaad ah u soo diray madaxweyne Farmaajo waxaana lagu soo waramayaa in uu aqbalay Madaxweynuhu.
Warar aan la xaqeejin ayaa sheegay in Madaxweyne Farmaajo laga yaabo in dalka Sucuudiga uu kula kulmo Madaxweynaha Mareykanka Trumb oo sucuudiga socdaal isna ku tagaya.
Madaxweyne Farmaajo ayaa safarkiisii ugu horeeyay ee uu dalka kaga baxay markii la doortay ku tagay dalka Sucuudiga ,Soomaaliya iyo Sucuudiga ayaa waxaa ka dhaxeeya xiriir wanaagsan.
Xasan Maxamed Samatar Cowke
Puntland Post Muqdisho