Al-Shabaab oo Weerar khasaare Geeystay ku qaaday deegaan u dhow Mandheera.

Koox loo maleeynayo in ay katirsanyihiin Al-Shabaab ayaa saaka waabarigii weerar ku qaaday deegaanka Omar Jallow oo u dhow  Mandheera.

Goobjoogayaal ayaa ku waramaya in weerarkaasi lagu qaaday goob ay ku sugnaayeen Ciidamada Booliska iyo dad rayid ah.

3 ayaa ku geeriyootay weerarkaasi sida ay sheegayaan wararka hordhac ah oo PUNTLAND POST soo gaaraya.

Sidoo kale 2 Askarta Ciidamada booliska Kenya ayaa la la’yahay kuwaasi oo aan la ogeeyn nolol iyo geeri toona.

Al-shabaab ayaa weeraro qasaare geeysta ku qaada Gobolka Woqooyi bari ee Kenya .

Faah Faahinta dib kala soco Insha allah.

Xasan Maxamed Samatar Cowke

Puntland Post