Munaasabad lagu weyneynayo maalinta Dhalinyarada Soomaaliyeed ee 15-May ayaa maanta lagu qabanayaa magaalada Muqdisho iyo qaar kamid ah Gobolada dalka , iyadoo ay ka qeyb galayaan madax ka tirsan Dowladda Soomaaliya.
Qaban-qaabadii ugu dambeysay ayaa haatan laga dareemayaa magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaliya waxaa wadooyinka Muqdisho lagu dhajiyay sawiro iyo astaamo muujinaya maalinta Dhalinyaradda Soomaliyeed ee 15-ka bisha May.
Khadiijo Maxamed Diiriye oo ah wasiirka dhalinyarada iyo cayaaraha xukuumada Soomaaliya ayaa dhalinyaradda Soomaliyeeed ugu hambalyeysay maalintaan khiimaha badan, waxayna ugu baaqday in ay ka shaqeyaan nabada iyo Dowlddanimada.
Sidoo kale Munaasabad lagu weyneynayo maalinta Dhalinyarada Soomaaliyeed ee 15-May ayaa caawa lagu qaban doonaa xarunta Dowladda Hoose,waxaana ka qeyb galay Mas’uuliyiin ka Tirsan Dowladda Soomaliya iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Gobolka banaadir.
Waa sanadguuradii 74-aad ee ka soo wareegtay aasaaskii ururkii dhalinyaradda Soomaaliyeed ee SYL sanadkii 1943-dii.
Xasan Maxamed Samatar Cowke
Puntland Post Muqdisho