Dowlada Soomaaliya oo digniin ka soo saartay weerarka Kombuyuutarada aduunka

Wasaarada Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada ayaa soo saartay digniin ku aadan khatar ay la kulmi karaan Soomaalida oo ku aadan weerar lagu soo qaado Computerada.

Digniinta ka soo baxday Wasaarada oo PUNTLAND POST soo gaartay ayaa u qorneyd sida tan

DIGNIIN: Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada ayaa shacabka Soomaaliyeed uga digeysa khatarta virus-ka ku sii fidaya adduunka. Waxaa lagu tilmaamay inuu yahay kii ugu saameynta badnaa, iyadoo uu gaaray illaa 150 dal. Meelaha ugu dhow ee laga soo sheegay waa dalka Kenya oo daris nala ah.

Weerarkan viruska ah wuxuu aalaaba ku faafaa dhinaca email-ka, wuxuuna kaa xirayaa kumbuyuutarkaaga, iyadoo lagu weydiisanayo inaad bixiso lacag madax-furasho (ransom) si laguugu furo.

Waxaa aad suurtogal ah in Soomaali badan ay ku dhacaan dabinkan.

Xasan Maxamed Samatar Cowke 

Puntland Post Muqdisho