
Waxaa maanta magaalada London ee dalka Ingiriiska ka furmay shirkii looga hadlayey Arimaha Soomaaliya ee ay garwadeenka ka ahayd dowladaasi.
Shirka ayaa waxaa ka qeyb galay madaxda dowlada Federaalka Soomaaliya, Ra’iisul wasaaraha dalka Ingiriiska Theresa May, Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey Antonio Guterres iyo madax kale oo badan oo ka soocotay caalamka.
Ajandayaalsh shirka looga hadlay ayaa waxaa ugu waaweynaa Qorshaha Amniga, Dib u habeynta dhaqaalaha, kaalmada abaaraha, dib u eegista Dastuurka iyo gaarista doorasho qof iyo cod ah sannadka 2020-ka.
Madaxweyne Farmaajo oo ka hadlay furtaanka shirka ayaa sheegay in markii uu xilka qabtay uu muhiimadda koowaad siiyay sidii wax looga qaban lahaa xalaadda abaarta ee dalka si looga hortago in ay dhacdo xaaladdii sanadkii 2011kii.
Madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo sheegay in abaaraha dalka ka jira ay barakiciyeen ilaa 600,000 oo qof tan iyo bishii November ee sanadkii la soo dhaafay ee 2016, wuxuuna ugu baaqay caalamka in laga hortago in dalka ay ka dhacdo xaalad bani’aadanimo iyo sidoo kale diiradda la saaro sidii looga kaban lahaa abaarta, sidoo kale madaxweynah ayaa u mahadceliyay hoggaamiyeyaasha caalamka iyo qurbo joogta Soomaaliyeed oo uu sheegay in ay ka soo jawaabeen baaqii dowladdiisa ee ahaa in gargaar lala soo gaaro shacabka ay abaartu saamaysay.
Shirka looga hadlayo Arimaha Soomaaliya ee London ka socda ayaa la filayaa in maanta la soo gabagabeeyo.
Liban Yusuf
PUNTLAND POST