Madaxweynaha dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulahi Farmaajo oo ay waheliyaan madaxda dowlad goboleedada Puntland, Jubbaland Galmudug, Koonfur Galbeed iyo Hirshabeelle ayaa kulan xalay la yeeshay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalka UK.
Kulanka oo ahaa mid looga xogwareysanayay Jaaliyada UK doorka ay ku leeyihiin ka qeyb qaadashada dib u dhiska dalka Soomaaliya, ayaa waxaa ka loo ka soo qeyb galay qaar ka mad jaaliyaddaha kale ee qaarada Yurub.
Madaxweyne Farmaajo oo khudbad dhinacyo badan taabanaysa ka jeediyey kulanka ayaa sheegay in loo baahan yahay in dowladda la garab istaago, isla markaana la iska dhaafo qabiilka iyo qurunkiisa.
“Anaga adeegayaal idin nahay idinka leh dowlad, waa inaad garab u noqotaan, garab istaagtaan oo aad ka tagtaan qabyaalada iyo dhibkeeda”ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.
Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay inay ku mideysan yihiin sidii dalka loogu soo dabaali lahaa Amni iyo nabadgelyo, isla markaana Al-Shabaab laga saaro guud ahaan dalka Soomaaliya.
Sidoo kale Madaxweyne Farmaajo ayaa balan qaaday in siyaasad mideysan oo aan is qab qabsi laheyn ku shaqeyn doonaan, taasna laga dareemi karo wadajirkooda maanta.
“Waxaa balan idin ka qaadnay Siyaasad mideysan inaan ku howl galno, is qab qabsi aan laheyn, oo wada shaqeyn leh, laga soo bilaabo madaxweynaha. Ra’iisul Wasaaraha, Xukuumadda, Baarlamaanka iyo dowlad goboleedyada, sida aad caawa u jeedaa”ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.
Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedada oo iyana goobta si wada jir ah uga hadlay ayaa sheegay in dhankooda ay diyaar u yihiin in ay la shaqeeyaan dowlada Federaalka Soomaaliya, jaaliyadahana looga baahan yahay in ay gacan siiyaan dowlada.
Shirka arimaha Soomaaliya ee London ayaa maanta oo Khamiis ah si toos ah u furmaya waxaana shir gudoomin doona Madaxweyne Framaaajo iyo haweenayda Ra’iisal wasaaraha ka ah dalkaas ee Theresa May.


Liban Yusuf
PUNTLAND POST