R’iisul wasaare Kheyre oo ka qeyb galay shir looga hadlayey Amniga dalka

Xasan Cali Kheyre Ra’iisul wasaaraha dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ka qeyb galay shir looga hadlayey Amniga dalka, gaar ahaan kan magaalada Muqdisho waxaana sidoo kale goob joog ahaa madaxda laamaha Amniga dalka.

Ra’iisul wasaare Kheyre oo shirka hadal ka jeediyey ayaa ugu baaqay madaxda laamaha Amniga dalka in ay dardar geliyaan sugida Amniga iyo xasilinta dalka, sidoo kale Ra’iisul Kheyre ayaa sheegay in Amnigu yahay muhiimada kowaad ee dowladu ku dhisan tahay, sidaa darteedna la wajoho qaabkii dalka oo dhan Amni buuxa looga dhigi lahaa.

Madaxda laamaha Amniga dalka oo iyaguna shirka ha hadlay ayaa ka warbixiyey waxqabadka iyo qorsho howleedkooda, waxayna shacabka Soomaaliyeed ka dalbadeen in ay taageeraan Barnaamijka lagu xasilinayo dalka.

Liban Yusuf

PUNTLAND POST