shirkan oo hore dhac u ahaa shirweynaha caalamiga ah ee arimaha Soomaaliya oo maalinka Barita ah ka furmaya Magalada london waxaa looga hadlay doorka ururada bulshada rayidka iyo qurba joogta ay ku leeyihiin hormarinta Qaranka waxaana ka qeyb galay Madaxweynaha Soomaaliya, Madaxda Maamul goboleedyadda iyo wakiilo ka socday beesha Caalamka .
Fartuun C/salaan gudomiyha hay’adda xaquuqul insaanka Elman oo ka mid ahaeed dadkii ka hadlay shirkan ayaa sheegtay inay diyaar u yihiin bulshadda rayidka inay ka qeyb qaataan hormarka dalka.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Mudane maxamed C/laahi Farmaajo oo shirkan ka hadlay waxa uu sheegay inay dowladu dhisayso hay’adda Qurbajoogta Qaranka si ay u fududeyso taakulada Qurba joogta ee hormarka Qaranka .
” Dowladda federaalka Soomaaliya waxa ay sameynaysa Hay’adda Qurba joogta Qaranka taasoo caawinayso islamarkaana fududeynaysa doorka qurba joogta ay ku leeyihiin hormarka dalka
Madaxweyne Farmaajo waxa uu qiray doorka muhiimka ee ururada bulshada rayidka ay ku leeyihiin hormarka Qaranka.
”dhinaca kale dowladda federaalak Soomaaliya waxa qiraysa doorka qeybta wanaagsan ee bulshada Rayidka ka qaateen dowladnimadda Somaaliya, Dowladaydu waxa ay wajahaysa dhibaatoyinka iyo caqabadaha haysta ururada bulshadda rayidka waxaana fududeynaynaa doorka wanaagsan ee ay qaadanayaan,.”
Madaxweynaha ayaa ugu dambeyn tilmaamay inuu jiro kulan weyn uu kula hadlayo Soomaalida Ingiriska ku nool waxaana qurba joogta iyo bulshadda rayidka uu ka codsaday inay ka soo qeyb galaan .
waxaan kale oo rabaa inay ku dhawaaqo inaan leenahay kulan weyn oo aan kula hadlo guud ahaan bulshadda Soomaliyeed ee nool Ingiriiska waan idin casuumayna qurba joogta dhamaan iyo bulshada rayidka waxaana jiri doono dood weyn”
Shirkan waxa uu muhiim u ahaa dhegeysiga aragtida qurba joogta iyo bulshada rayidka ee hormarka dalka waxaa uu imaanaya xili maalinka Barrita ah uu Magaaladda London ka furmayo Shirka caalamiga ah ee taageeradda dib dhiska, nabada iyo xasiloonida Soomaaliye
Hoos ka Daawo Sawiro.

Faafintii Puntland Post