Madaxweyne Farmaajo iyo wafti uu hogaaminayo oo u Ambabaxay Britain

Madaxweynaha dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulahi Farmaajo iyo waftu uu hogaaminayo ayaa maanta u ambabaxay dalka Britain gaar ahaan magaalada London, halkaas oo uu ka furmi doono shir looga hadli doono Arimha Soomaaliya.

Waftiga madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa qeyb ka ahaa Ra’iisul wasaare ku xigeenka dowlada, madaxweynayaasha dowlad goboleeda Hirshabeelle, Galmudug, Koofur Galbeed, qaar ka mid ah golaha Wasiirada dowlda Federaalka Soomaaliya iyo Sarakiil ka socotay madaxtooyada.

Ajandayaasha shirka London ayaa looga hadli doonaa Arrimaha Amaniga, kobcinta dhaqaalaha, Siyaasada, dib u eegista Dastuurka iyo Wadashaqaynta Beesha Caalamka iyo dowlada Federaalka Soomaaliya.

Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland ayaa maalmo ka hor iyaguna u ambabaxay dalka Britain, si ay uga qeyb galaan shirka looga hadli doono Arimahaa Soomaaliye ee ay garwadeenka ka tahay dowlada Britain.

Shirka ayaa dhici doona maalmaha Arbacada iyo Khamissta oo ku beegan 10-ka ilaa 11-ka bishan.

Liban Yusuf

PUNTLAND POST