Faah Faahin: khasaaraha ka dhashay Qarax ka dhacay Muqdisho

Inta la xaqiijiyay 6-qof ayaa ku dhimatay 10-kalana way ku dhaacmeen kadib markii gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha Qarxa uu ku qarxay Kasoo hor jeedka maqaayad lagu magacaabo Italian Caffe oo ku dhegan gurigii hore ee shaqaalaha oo ku dhow Ha’yada socdaalka iyo jinsiyadaha dowlada Soomaaliya.

Xiliga qaraxa uu dhacayay ayaa waxaa maqayadda gudaheeda iyo banaakeeda fadhiyay dad aad u fara badan oo xiligaas ku shaahaynayay, waxayna maqaayadda kamid tahay goobaha aadka ugu mashquulka badan, madaama lagu sameeyo cunooyinka Talyaaniga.

Dadka dhaawacmay oo u badnaa dad shacab ah ayaa waxaa loo qaaday goobaha caafimaadka,waxaana durbadiiba goobta isku gadaamay Ciidamo ka tirsan Kuwa Dowladda Soomaliya,waxaana sidoo kale gaadiidka dab damiska dowladda Hoose  ayaa goobta gaaray si ay u damiyaan gaariga qarxay oo gubayay.

Sidoo kale wararka ayaa waxa ay sheegayaan in qaraxaani uu ku dhintay General Abdi Bashir Aden oo kamid ahaa Saraakiisha Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaliya.

Hoos ka Daawo Sawirada.

Xasan Maxamed Samatar Cowke 

Puntland Post Muqdisho