Wasiirka Arrimaha Dibada Xukuumadda Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar ayaa magaalada Kigali ee dalka Rwanda kaga qeyb galay shir ay Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Dalalka xubnaha ka ah Midowga Afrika ku yeesheen magaaladaas.
Shirka ay yeesheen Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Dalalka xubnaha ka ah Midowga Afrika Waxaa looga hadlay mashruuc hore loogu xil-saaaray Madaxweynaha Rwanda, Paul Kagame, oo ku saabsan isbeddello la damacsan yahay in lagu sameeyo Midowga Afrika, siiba dhanka maaliyadda oo qorshuhu yahay in miisaaniyadda Ururka ay la baxaan xubnihiisu.
Xasan Maxamed Samatar Cowke
Puntland Post