Macron oo ku guulaystay Doorashadii madaxtinimada Faransiiska

Emmanuel Macron ayaa ku guulaystay doorashadii madaxtinimada dalka Faransiiska, ka dib markii uu helay 65.5% codadkii la dhiibtay, halka musharaxadii la tartamaysay ee Marine Le Pen, ay heshay 34.5%.

Emmanuel Macron oo ah 39 sano jir ayaa noqonaya Madaxweynihii ugu da’da yaraa oo dalkaas Madaxweyne ka noqda, sidoo kale wuxuu noqonayaa madaxweynihii ugu horeeyay ee tan iyo sanadkii 1958-kii ka soo baxa xisbi aan ahayn labada xisbi ee ugu weyn dalka Faransiiska.

Amaanka caasimada Paris ayaa aad loo adkeeyey waxaana bartamaha magaalada isugu soobaxay kumanaan qof oo taageerayaasha Macron ah, halkaas oo uu khudbad ugu jeediyay.

Emmanuel Macron ayaa horey u soo noqday Wasiirka Dhaqaalaha Faransiiska, waxaana looga fadhiyaa in uu fuliyo balanqaadyadii uu horey u sameeyay.

Madax badan oo caalamka ah ayaa u hambalyeysay Madaxweynaha cusub ee Faransiiska Emmanuel Macron.

Liban Yusuf

PUNTLAND POST