Ciidamo Gadoodsan oo la wareegay Madaxtooyada Gal-Mudug

Wararka ka imaanaya Degmada Cadaado ee Gobolka Galgaduud ayaa ku waramaya in Ciidamo ka tirsan kuwa Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka qaranka Soomaliyeed ee (NISA) in ay la wareegeen Xarunta Madaxtooyadda Galmudug ee Magaaladaas.

Ciidamada la wareegay Madaxtooyadda Galmudug ayaa la sheegay in ay ka cabanayaan Mushaar la’aan bilooyin ah islamarkaana ay go’aan ku gaareen maanta in ay la wareegaan Xarunta Madaxtooyadda oo ah halka loogu taliyo xiligaan maamulka Galmudug.

Ciidamada gadoodsan ayaa la sheegay in ay hakad galiyeen howlihii ka socday Madaxtooyadda Dowladda Goboleedka Galmudug ee magaalada Cadaado.

Waxaa socda xiligaan dadaalo lagu doonayo in lagu qanciyo Ciidamada la wareegay Madaxtooyadda Galmudug ee Magaalada Cadaado.

Ciidamada Nabad Sugida iyo Sirdoonka qaranka Soomaliyeed ee (NISA)ayaa awood badan ku leh Deegaanada maamulka galmudug.

Xasan Maxamed Samatar Cowke 

Puntland Post