80 Muhaajiriin ah oo ku Geeriyooday Badda Mediterranean

Ku dhawaad 80 Muhaajiriin ah oo ka yimid dalka Libiya ayaa ku dhintay Biyaha Mediterranean-ka sida ay sheegtay Wakaalada wararka ee ANSA ee kasoo baxda dalka Talyaaniga.

Dhimashada tahriibayaashan ayaa waxaa xaqiijiyay 40- kamid ahaa ilaalada xeebaha dalka Italy kuwaa oo u soo qaaday dakadda Pozzallo ee dhacda koonfurta dalka Talyaaniga.

Tahriibayaashan ku dhintay badda medieteraneanka ayaa la sheegay in dhowr maalin ka hor ay ka soo baxeen dalka Libiya balse doontii ay ku burburtay kadib markii culeys xoogan uu soo wajahay.

Hay’adda caalamiga ee socdaalka(IOM) ayaa sheegtay in 20,484 qof oo isugu jira qaxooti iyo tahriibayaal in ay galaaan tan iyo bilowgii sanadkan 2017 kuwaa oo gaaray dalal ay kamid yihiin talyaaniga, Spain iyo Greeca.

Xiligan oo kale sanadii 2016-kii 159 muhaajiriin ah ayaa ku dhintay badda medetereanean-ka kuwaa oo doonayay in ay gaaraan dalalka qaarada Europe.

Xasan Maxamed Samatar Cowke 

Puntland Post