Dowladda Mareykanka ayaa shaacisay Magaca iyo Gobolka uu kasoo jeeday askarigii Mareykanka ahaa ee dhawaan ku dhintay weerar ay Ciidamada loo yaqaano Navy SEAL ay ku qaadeen qeybo kamid ah Gobolka Shabeelaha Hoose.
Kyle Milliken ayaa lagu sheegay magaca askarigaan waxana uu ahaa 38 sano jir ka soo jeeda Gobolka Falmouth Maine kana soo dagaalamay wadamo kale, Milliken ayaa noqday askarigii ugu horeeyay ee Maraykan ah oo lagu diley gudaha dalka Soomaaliya tan iyo sanadkii 1993-dii dhacdadii loogu magac-daray Black Howk Down.
Qoraal uu soo saaray Pentagonka Mareykanka ayaa lagu sheegay in ciidamo isugu jira Maraykan iyo Soomaali ayaa la soo weeraray kadib markii ay diyaarad helicopter ah ay ku tageen meel ku dhow saldhig leeyihiin Al-shabaab oo ku yaala deeganada Daaru-salaam ee Gobolka Shabeelaha hoose.
“Waxaan ka caawinay in diyaaradaheen aan halkaa ku geyno ,”ayuu yiri afhayeenka Pentagonka Capt.Jeff Davis. “Annaga meel gadaal ah ayaan joognay inta uu howlgalku socday balse weerar ayaa nagu yimid kaas oo sababay dhimashada askarigeena.”
Xasan Maxamed Samatar Cowke
Puntland Post