Duqeeyn lagu dilay Wariyaal Al-shabaab u shaqeeynayay

War ka soo baxay Dowladda Mareykanka ayaa lagu sheegay in Duqeyn iyo weerar toos ahaa oo Xalay ka dhacay Deegaanka Bariire ee Gobolka Shabeelaha Hoose in lagu dilay wariyayaal ka shaqeynayay Radio Andulus oo ka Hadla afka Al-shabaab, islamarkaana la burburiyay qalabkii idaacadda ay ku shaqeynaysay.

Mareykanka ayaa sheegay in ilaa 5-wariye oo ka tirsanaa Al-shabaab in lagu dilay weerarkaas kuwaasi oo ku sugnaa xarunta Radio Andulus oo ka Hadla afka Al-shabaab, islamarkaana la burburiyay qalabkii idaacadda ay ku shaqeynaysay.

Sarkaal ka tirsan Ciidamada Xoogga dalka Soomaliyeed ayaa dhankiisa xaqiijiyay in Ciidamo tababaran ay u gudaha u galeen xarunta idaacadda islamarkaana ay ku dhex dileen ilaa 5-wariye oo idaacadda xiligaas ka howlgalayay islmarkaana baahinayay warar ku saabsan in Al-shabaab ay guul ka gaareen dagaal xiligaas ka socday Deegaanka Bariire ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Lama shaacin Magacyadda wariyayaasha Al-shaabab ee xalay la dilay, iyo wax hadal ah oo kasoo baxay Al-shabaab oo lagu xaqiijinayo in la burburiyay idaacadda Andulus.

PUNTLAND POST