Bosaso-[Puntland Post] Ciidamada badda ee dalka Shiinaha ayaa Dekeda Bosaso keenay saddex Nin oo burcad-badeed Soomaaliya , kuwasoo gacanta lagu dhigay ka dib markii ay isku dayeen inay afduubaan Markab sitay Calanka Dalka Lubnaan bishii hore.
Saddexdaasi maxaabiista ah ayaa la sheegay inuu ku jiro nin lagu magacaabo Cabdikariim Saalax Aw Koombe oo la sheegay inuu ka mid yahay hoggaamiyayaasha burcad badeedda.
Ciidamada Shiinaha ayaa sidoo kale maamulka Puntland ku wareejiyey hubka ay siteen budhcad badeeddaasi ee ay u adeegsadeen weerarkaas.







CABDIQANI BOOS
PUNTLAND POST