Madaxweyne Farmaajo oo aqbalay xilka qaadistii Dr. Nuur Faarax Jimcaale

Madaxweynaha dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulahi Farmaajo ayaa soo saaray xeer madaxweyne oo uu ku aqbalay xilka qaadistii Hanti-dhawraha guud ee Qaranka Dr. Nuur Faarax Jimcaale oo Golaha wasiiradu ku sameeyeen.

Xeerka madaxweyne Farmaajo soo saaray ayaa sidoo kale si rasmi ah xilka looga qaaday Hanti-dhawraha guud ee Qaranka Dr. Nuur Faarax Jimcaale, iyadoo tani sii xoojinayso muranka la xiriira sharci ahaanshaha xil ka qaadista.

Galaha Wasiirada dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa shir aan caadi ahayn oo ay Xalay isgu yimaadeeen xilka looga qaaday Hanti-dhawraha guud ee Qaranka Dr. Nuur Faarax Jimcaale oo ilaaladiisu dil u geysteen Wasiirkii Hawlaha guud Cabaas Siraaji.

Dhanka kale Dr. Nuur  Jimcaale ayaa maanta ku gacan seyray xilka qaadista Golaha Wasiirada, isagoo ku tilmaamay in loo maray sifo aan sharci ahayn.

Liban Yusuf

PUNTLAND POST